Madaxweynaha Kenya oo booqday taliska ciidamada Kenya ee Dhoobleey:

Madaxweynaha Kenya oo booqday taliska ciidamada Kenya ee Dhoobleey:
– Posted at 19/03/2017 –  MarqaatiOnline


Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa socdaal qarsoodi ah ku timid maanta gudaha dalka Kenya, gaar ahaan taliska ugu weyn ciidamada Kenya ee ku yaal magaalada Dhoobleey.

Uhuru Kenyatta oo ku labisnaa dharka ciidamada milateriga ayaa magaalada Dhoobleey ku tegay diyaarad nooca helicopter-ka. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Uhuru uu socdaal taariikhi ah ku tegay Dhoobleey.


Safarka qarsoodiga ah ee uu ku timid Uhuru Kenyatta gudaha Somalia ayeysan ka war qabin dowladda Somalia, iyadoo aysan jirin xitaa in lagu soo wargeliyay.

Ujeedada socdaalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay mid lagu dhiiri gelinayay ciidamada milateriga Kenya ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna hadal uu u jeediyay ku amaanay howlgalka ay ka hayaan Somala.

“Joogitaankiina Soomaaliya, wuxuu bad baadiyay nafaf badan, dadka Kenyaanka ah waligood way idinku faani doonaan, joogitaankiina halkan waxay ugu yaraan dadka ka qaaday cabsidii Al-Shabaab, dalxiiskiina dib ayuu usoo noqday” ayuu yiri Madaxweyne Kenya Uhuru Kenyatta.Sidon kale, wuxuu howlgalkaan uu ku macneeyay mid ay dalkooda ku badbaadinayaan kuna caawinayaan wadanka ay deriska yihiin ee Somalia oo dhibaato ka haysato Al-Shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala hadlayaan muhiimada inay dhistaan ciidamadooda Milateri, si ciidamada Kenya ay dalkooda ugu laabtaan, taasoo ah qeyb ka ah buu yiri istiraatiijiyadooda ay uga baxayaan Soomaaliya.Saldhiga Milateri ee Dhoobley ayaa ka mid ah xarumaha howl galka AMISOM ee ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Booqashada Kenyatta uu ku tegay xarunta ciidamada Kenya ee Dhoobleey ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay ololaha siyaasadeed ee tartanka doorashada madaxtinimada dalkaasi oo dhawaan la caban doono.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s